Philippe countinho oo la filayo in uu u wareego kooxda ay liverpool xafiiltamaan ee everton.

wararka ayaa sheegaya in PHILIPPE COUTINHO ciyaaryahankii hore ee kooxda liverpool uu ku biiri doono Everton xagaagan. Heshiis 35 milyan ginni ah ayaa la soo sheegayaa in everton iyo barcelona ay gaareen.

Naadiga ku ciyaara garoonka Goodison ayaa  aad ugu kalsoon in ay lasoo wareegi karaan kubadsameeyaha. Waxaa durbaba la sheegayaa in ciyaaryahanku uu  guri ugaarsi ku jiro.

Boss Carlo Ancelotti ayaa doonaya xiddigii hore ee kooxda Liverpool si uu u sameeyo kooxda riyada isagoo horay ula soo wareegay xidigga kale ee koonfur America James Rodriguez.

Ciyaaryahanka reer Brazil, oo 28 jir ah, ayaa soo qaatay waqti xun tan iyo markii uu ka tagay Anfield kuna biiray kooxda reer Spain ee Barcelona  adduun dhan £ 145m.

Barca ayaa isku dayday inay iska iibiso 18 bilood ka dib laakiin waxa uu amaah ugu biiray Bayern Munich.

Wuxuu ku guuleystay seddexleeydii Jarmalka laakiin waxaa ku dhacay dhaawacyo isaga oo ku guuldaraystay inuu si joogto ah ugu dhaqaaqo Bundesliga.

Markuu kusoo noqday barca waxa uu soo bandhigay ciyaar wanaagsan balse Ka dib wuxuu u ciyaaray 14 kulan ayaa waxaa la dersay dhaawac jilibka ah

Waxa uu maray qaliin bilowgii bishaan mana ciyaari doono markale xilli ciyaareedkan.

Everton ayaa dooneysa inay hubiso inuu si buuxda u soo kabsaday ka hor inta uusan usoo wareegin, laakiin heshiiska ayaa loo maleynayaa in mar hore la saxiixay.

Taageerayaasha Liverpool ayaa la filayaa in soo bandhigaan dareeno kaladuwan oo ah in kooxaha ay xafiiltamaan ay la wareegtay mid ka mid ah xidigihii Liverpool waayaddii dambe ugu wanaagsanaa.

Barca ayaa dooneysa inay iska iibiso, xitaa qiimo jaban.

Waxaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Anfield laakiin, taa Liverpool ayaa ka goys adaygtay.

Leave a Reply

%d bloggers like this: