Waa kuma youtuber-ka masaajidka dhisay?

Ninkan ayaa mudan in lagaga daydo #YouTube.

Waa Wiil dhallinyaro ah oo reer Kuwait ah lana yiraahdo hassan suleymaan balse loo garan ogyahay Aboflah, waana Soomaali kuweyti.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa hada gaadhay 11 milyan oo Subscribers dhanka Youtube-ka, oo uu afka carabiga ah wax kusoo gudbiyo.

Wiilkaan siduu isagu sheegay taariikhdu markay ahayd 02/08/2016 maalintaas weliba wakhti duhur ah buu billaabay YouTube-ka, waxaana ku dhaliyay arrimo ay kamid yihiin inuu waayay lacag uu heer jaamacadeed ku galo oo qoyskiisu u awoodi waayeen, markaas oo walaalkiis iyo walaashiis kaweyn ay qoyskiisu waxbarashada ka bixinayeen balse duruufo jira Isaga loo awoodi waayey in laga bixiyo, oo iska sug layiri Inta walaalahaa heerka jaamacadeed soo dhamaysanayaan, isla sanadkaas ayuu billaabay wixii uu ku wanaagsanaa oo uu yaqaanay oo ahaa application-nada lagu ciyaaro sida pubg iyo fifa iyo pes iwm, inuu YouTube-ka ka bilaabo si uusan meel isaga fadhin wakhtiguna ciyaar ciyaar ugu dhaafin.

▪️Wiilkan ayaa markuu gaadhey (5) milyan oo Subscribe ah, wuxuu dhisay masaajid isaga iyo taageerayaashiisa, sidoo kale wuxuu ka dhisay ceel biyood weyn mid kamida wadamada saboolka ah.

▪️Markuu gaadhay 6 milyan, wuxuu u iibshay walaashiis gaari, sidoo kale wuxuu hadiyado qaali ah u iibshay dhammaan qoyskiisa.

▪️Markuu gaadhay 7 milyan ee Subscribe, wuxuu jabiyay rikoor cusub oo Bariga Dhexe ah, wuxuuna dadka ku xiran qaar kamida siiyay hadiyado.

▪️Markuu gaadhay 8 milyan, wuxuu waxbarasho geeyay 8 arday oo heer dugsi iyo heer jaamacadeed isugu jira isaguna jeebkiisa ka bax shay.

▪️Markuu gaadhay 9 milyan, wuxuu ka faala qaaday nolosha 9 agoon ah wuxuuna u gaday saaxiibbadiisi yaraantiisa 20 xabbo oo iphone 12 pro max ah, wuxuu kaloo siiyay walaalkiis ka weyn gaari, isaguna waxuu iibsadey gaari gaar ah.

▪️wuxuu gaaray 10 Milyan isla Bishan Abuu Falah wuxuu ugu deeqay daweyn lacag la’aan ah 1000 qof oo indhoolayaal ah, oo wadamada saboolka ah.

Hadda waxa uu sii marayaa 11 Milyan iyo kabadan oo subscribers ah, arrinta xiisaha badani waxay tahay in ku dhowaad 5 Milyan oo subscribers amaba kabadan ay sanadkaan sii dhamaanaya oo fayraska koronuhu socday bartiisa YouTube-ka soo raaceen iyo barihiisa kale ee social media-ha kale.

Waxaas oo dhan waxuu qabtey isagoo jira 22 sano, hadana bishan 23 sanno jirsaday.

2 thoughts on “Waa kuma youtuber-ka masaajidka dhisay?

  1. Masha Allah wiilkaan waa wiil ku dayasha mudan masha Allah zxp isoo duceeya waxan doonayaa inaan noqdo wiil somali ciyaar yahan ka ciyaara horyaalada yurub

Leave a Reply to Apdi wakil zhiitaale Cancel reply

%d bloggers like this: