MALEESHIYAADKA shalay xeryaha iyo furimaha ciidamada isaga soo baxay ciidan laguma sheegi karo ee waa tuugo iyo virus ku dhex jira ciidanka qaranka ee halaga saaro.

Askarta ka soo baxdayy difaacii ciidamada qaran weliba qabiil dartiis ee hadana si dhib yar loogu soo celiyay meeshii/difaacii ay kasoo baxeen, waa in dawladdu ka fiirsataa cawaaqibka ka iman kara waayo arinkaasi wuu soo noq noqon doonaa. Ciidamo badan ayaa furimaha kasoo bixi doona markasta oo qabiilkooda u baahdo gar iyo gardaraba. waa in la helaa xal aan ciidamada u saamixi doonin in ay qabiil isku raadsadaan.

Kuwaana waa in ugu yaraan tababar dib loogu celiyaa hadaan la ruqsayn karaynin oo aan shaqada laga eryi karaynin.

Ciidanka kale ayey niyad jab wayn ku keeni doontaa marka askariga qayrkiisa ahi uu furinta isaga baxo hadana si iskiisa isaga soo laabto.

Ugu dambayn waxaan dawladda soomaaliyeed kula talinayaa in ciidanka laga saaro calooshood u shaqaystayaasha ka buuxa ee la adeegsan karo. Sidoo kale waxaaa lagama maarmaan ah marka ciidanka la qorayo in la xusho rag taariikh fiican leh oo bilaa balwad ah oo aan qayb qaad ah oo nin ay isku reeryihiini u qaado aan sharaftooda ciidan ku bedelan.

markii la qoro kadibna agaasinkooda la wanaajiyo oo aan reer reer loo dejin.

.

Leave a Reply

%d bloggers like this: