Madaxwayne mohamed abdullahi farmaajo oo ku sii jeeda magaalo madaxda uganda ee kampala. wax ka ogoow sababta.


Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in beri oo talaado ah u ambo baxo magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

madaxwaynaha ayaaa ujeedka safarka uu ku tagayo magaalada Kampala lagu sheegay ka qeyb galka caleemo saarka Madaxweynaha mar kale dib loo doortay ee dalkaasi Uganda Yoweri Kaguta Museven.

Afhayeenka Madaxtooyadda Uganda Lindah Nabusayi, ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Farmaajo kamid yahay hogaamiyaasha lagu casuumay ka qeyb galka xaflada caleemo saarka ee Kampala ka dhaceysa lana filayo in talaadada Kampala yimaado.about:blank

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin safarkan la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku tagayo dalka Uganda, waxaana warkan kaliya laga soo xigtay madaxtooyada Uganda oo soo bandhigtay hogaamiyaasha lagu casuumay munaasabada caleemo saarka.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa markii lixaad oo xiriir ah uu ku guuleystay Madaxtinimada dalka Uganda kadib doorashadii dhawaan dhacday, waxa uuna Yoweri talada dalkaasi hayay mudo 35-sano ah .

Leave a Reply

%d bloggers like this: