Xamaas oo gantaalo ku garaacaysa israel

waxaa lasoo warinayaa in ugu yaraan 2 israeliyiin ahi ay ku dhinteen duqaymo ay xamaas ka geysatay gudaha israel.in kabdan 130 oo gantaal ayey xamaas ku tuurtay tel aviv oo ah caasimadda israel. 

 waxaa magaalada telaviv ee israel meel kasta ka qaylinaya Seeriga  gantaalaha ka diga iyadoo Xamaas ay sheegtay inay 130 gantaal ku garaacday Israa’iil oo jawaab u ahaa weeraradii ay israel ku qaaday dhismaha masaajid ku yaala Gaza.

Milatariga Israel ayaa sii wada duqeymaha ay ka wadaan Marinka Qaza talaadadii ilaa hadda iyagoo bartilmaameedsanaya aagag dhowr ah ka dib markii gantaallo laga soo ganay aagga.

Maamulka caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in ugu yaraan 28 Falastiiniyiin ah - oo ay ku jiraan 10 caruur ah - lagu dilay duqeymaha cirka ee Israel ay ka geysaneyso marinka tan iyo dabayaaqadii Isniintii, ka dib markii Hamas ay gantaalo ka soo bilaabeen dhulka xeebta ah kuna sii jeeday Israel.

Leave a Reply

%d bloggers like this: