Dowlada oo sheegtay inay berri tahay 30ka Ramadaan iyo Alshabaab oo berri ciidaya

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in berri oo ah Maalin Arbaco ah aysan ahayn maalin ciid ah oo la kaamilayo bisha Ramadaan maadaama aan la arag Bisha Shawaal.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in caawa ay Wasaaradda iyo culimada Soomaaliyeed sameeyeen xiriiro kala duwan oo ku aadan baadi goobka bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo shaaciyay in dalka Soomaaliya aysan barri ciid u aheyn, isla markaana la kaamilo 30-ka bisha Barakeysan ee Ramadaan.

kale Ururka Alshabaab, qoraal kasoo baxay ayaa lagu shaaciyay in berri ay tahay ciid kadib markii laga arkay bisha deegaano ka mid ah gobalada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool.

Leave a Reply

%d bloggers like this: