Amaro la siiyay Madaxda ka qeyb galeysa Caleemo Saarka Yoweri Museveni

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa saacadaha soo aadan lagu wadaa in loo caleemo saaro Madaxweynahha dalkaasi kadib markii uu ku guuleestay markii lixaad in uu Madaxweyne ka noqdo Uganda.

Munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Uganda waxaa ka qeyb galaya madax kala duwan oo lagu casuumay , waxaa sidoo kale munaasabada lagu casuumay dad meelo kala duwan ka kala yimid iyo Wariyaal.

Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa lacag badan uga baxday hubinta Caafimaadka Martida lagu casuumay ka qaybgalka Caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni, waxaana inta badan lacagaatsi ku baxday qalabka baaritaanka loo adeegsanayo.about:blank

Madaxda ka qeyb galeysa munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Uganda iyo marti sharafta kale ayaa dhamaan laga baaray cudurka Covid-19, waxa ayna wasaarada soo saartay digniino si looga hortago in cudurka haleelo dadka munaasabada ka qeyb galaya.

Wasaarada caafimaadka Uganda ayaa ku amartay madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa munaasabada caleemo saarka in ay is gacan qaadaan sidoo kale laabta is galiyaan, waxa ay sidoo kale ku amartay in ay soo xirtaan afxirasho iyo gacmahana dhaqdaan.

Leave a Reply

%d bloggers like this: