waa magaalo nuucee ah Gaza–falastiin? magaaladda la deristay duqaynta yuhuudda

‎ Magaalada Gaza, waxaa ay ku taal xeebta badda Mediterraneanka, iyadoo masaafo gaareeysa 78 km, kaga beegan jihada koofur galbeed magaalada barakeeysan ee Qudus. waxaa ay 30 km oo keli ah u jirtaa xudduuda ay Falastiin la leedahay dalka Masar. waa seeraha Rafa ee gobolka Siinaay.

Gaza oo ah ka mid ah magaalooyinka caalamka kuwooda ugu faca weeyn, waa magaalo taariikh dheer leh oo soo jirtey ilaa 5000 sano.Maamulkeeda waxaa soo qabtey oo isaga dambeeyey Roomanki, Mongooloyiintii, Mamluukiyiintii, Faraaciintii iyo Cusmaaniyiintii.

Gaza waa magaalada ugu dadka badan dalka Falastiin, waxaana ku nool dad gaaraya 600.000 (lix boqol oo kun).Gaza waxaa ay kulaashaa oo degaan ay la wadaagtaa Beeytul Xannuun, Jabaliya iyo Daarul balaa’. Daa’uud Cumar.

Leave a Reply

%d bloggers like this: