Taliye ku-xigeenkii Booliska G/Banaadir oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray

Waxaa la xaqiijiyey inuu geeriyooday Taliye ku-xigeenkii Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo dhaawac halis ah kasoo gaaray qaraxii is-miidaaminta ee ka dhacay Saldhigga Booliska degmada Waaberi

Gaanshaanle Sare Axmed Cabdi Wehliye ayaa goor dhoweyd u dhintay dhaawaca kasoo gaaray qaraxii saldhigga Booliska Waaberi, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay Wasiirka Arriaha Gudaha xukuumadda xilgaarsiinta.

Waxaa kaloo qaraxii is-miidaainta ee ka dhacay Saldhigga Waaberi horey ugu geeriyooday taliyihii saldhiggaasi iyo Taliye ku xigeenkii Qeybta Weliyow Cadde

Gaanshaanle Sare Axmed Cabdi Wehliye ayaa noqonaya sarkaalkii 3aad ee ku dhintay qaraxaas oo xili fiidnimo ah uu fuliyey nin dhexda ku soo xirtay waxyaabaha qarxa, Al-shabaab ayaana sheegatay masuuliyada qaraxaas.

Leave a Reply

%d bloggers like this: