Shiikh Shariif oo War ka soo saaray shirka wadatashiga ee ka furmaya Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed ahna musharax u taagan doorashada Madaxweynaha dalka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirka 20-ka bishan uga furmaya Muqdisho madaxda DF iyo dowlad goboleedyada.

“Waxaan rajeynayaa kulanka 20ka bishan loo madlan yahay kaasoo looga hadlayo dhamaystirka heshiiskii doorasho ee 17 September inuu noqdo mid mira dhal ah oo guulaysta si dalku u galo marxalad doorasho oo nabdoon, raallina laga wada yahay taasoo fure u noqon doonta in lagu qanco natiijada Doorashada” ayuu yiri Shiikh Shariif oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook.

Shariifka ayaa intaas ku daray inuu kalsooni buuxda ku qabo dedaalada socda ee xalka loogu raadinayo arrimaha doorashooyinka.about:blank

“Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabaa dadaalada socda ee xal u helidda arrimaha Doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, anigoo aaminsan in R/Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah” ayuu intaas ku daray Shiikh Shariif

Leave a Reply

%d bloggers like this: