Mahdi Guuleed oo beeniyay in dowlada Soomaaliya iyo kenya ay heshiis ka gaareen khilaafka badda

Ra’iisalwasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa beeniyay warar sheegayay in dowlada Kenya iyo Dowlada Soomaaliya ay heshiis ka gaareen khilaafka badda.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu ku tilmaamay been abuur warbixin lagu daabacay Wargeysa The Star ee ka soo baxaya Kenya, oo lagu sheegay in Kenya ay la qeybsanayso Badda Soomaaliya.

“Warbaahinta ayaa qortay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen inay qeybsadaan lacagaha ka soo baxa saliida iyo gaaska 50/50 waa mid aan sal iyo raad toona lahayn. Waxaan ka sugeynaa xukun cadaalad ah ICJ oo ku saabsan muranka baddeena”ayuu yiri R/wasaare ku xigeenka Dalka.

Wargeyska The Star ayaa daabacay in ay aragtay warbixin sheegaysa in labada dowladood ay min 50% ay u qeybsan doonaan kheyraadka Shidaal ee laga soo saarayo meelaha hadda dooda ka taagan tahay ee Kenya iyo Somalia isku hayaan.

The Star waxa ay xustay in goor dhow dhinacyada ay tagi doonaan dalka Qatar Magaala madaxdeedi Doxa oo ay heshiiskaasi ku saxiixi doonaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore dhowr jeer u beenisay in wadahadal ay kala yeelatay dowlada Kenya arrimaha ku saabsan badda.

Leave a Reply

%d bloggers like this: