Qiso jacayl oo cajiib ah

Sannooyin badan kaddib ayaa leyga soo wacay lambar aannangaraneyn📲, wuxuu igu yiri ma i xasuusataa?!Waxaan iri iga raali noqo mudane✋, Asxaabteydu wey badan yihiin, ii sheek kumaa tahay?!Wuxuu igu yiri; Waxaan kuu dhawaadaba ma i ilowday🙄?!Waxaan ahaa Qalbigaaga, Dhiigaaga iyo Dareenada qul qula Dhuuxaaga, sidee baad ii weydiineysaa ciddaan ahay?!Alla badanaa intaad darteey Faraxday; oo badanaa intaad darteey Ooysay.Waxaan iri igu filan!, Waxaad aheyd qof waxaasoo dhan og, waana baxday?💔.

Waad ogeyd inaa tahay Nolosheyda❤, waxaadna iisoo dhaweysay dhimashadeyda💔, iisheek hadda maxaad iisoo wacday?! Mise inaad i duugto ayaad ilowday oo sidasaad igula soo xiriirtay🤔?!.Intuusan ii Jawaabin wuu ooyay😥!, Wuxuuna i dhahay; “waxaan u maleeyay inaan helaayo qof ii jecel sidaada oo kale ama ka badan💔😭, laakin waxaan ogaaday in jaceylkaaga oo kale marnaba uu suuragal aheyn dib u heliddiisa, waligiina uusan iisoo noqon doonin”😢.Waxaan ku iri; “iga badanee ha dhameystirin, i dhageyso hana dag dagin👂!, Markaan ku jeclaaday waxaan kalsooni ku qabay in qofna iga tir tiri doonin Qalbigaaga, waanad iga tir tirtay💔.Waxaan u maleeyay inuu kugu filnaaday jaceylkeyga, kaasoo ku koray qalbigaaga sidaa darteedna marna aanad i cidleyn doonin, se Waadba i cidleysay💔😰“.U laabo meeshaad ka timid✋,

waxaa i kaafiyay oo igu filnaaday hadaladaadii beenoobay😭, hadii ay Gabar kale ku jeclaato Maalin ama haddaba ay ku jeceshay ha u galin sidaad ii gashoo kale, hana dhaawic Dhimirka iyo Qalbigeeda, Alle weyne ma hilmaamo dulmiga lagu falo Addoomidiisa;, #ULAABO HALKAAD KA TIMI👋💔.

Wuxuu cod hoose oo Murugo leh iyo ooyin ilmadu diidantahay u soo bixitaanka dhawaqeeda bannaanka, ayuu igu yiri haddaanad ii Naxariisan waxaan ku gubanayaa dab aaney insaanku Arkeyn amaba damin karin ooney waliba dareemi karin🔥😭.Waxaan ku iri Iska tag, waxaa Naxariis kuugu filan anigoonan kugu dacweyn Alle, oo waliba illaa qiyaamaha ku sii heysan, waxaa nugeyl kuugu filan cafinteydii.

waxaa ixtiraam kuugu filan anigoo kugu habaarin inaad soo dha dhamiso dhibtaan maray oo mar walboo xanuunkaaga dartii la ooyo amaba la murgo, oo anfaaci iyo oomatadaba diido intaan xaga sara eego dhaho Illaahoow habadin dhibtuu i baday.ISKA TAG FADLAN HANA MIISAAMIN DULQAADKEYGA INTAA KA BADAN!, waan ku damiyay telka wanan iska ooyay oo Allaan baryay in boogtani iga bogsooto La’aantii.

Leave a Reply

%d bloggers like this: