Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Hirshabelle oo ku dhintey dagaal ka dhacay Jowhar

Iskahorimaad hubeysan oo ka dhacay saaka magaalada Jowhar caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan madaxtooyada Hirshabelle uu ka mid noqday dadkii ku dhintey iskahorimaadkan.

Iskahorimaadka oo u dhexeeya ciidamada dowlad goboleedka Hirshabelle iyo koox macawisley aha ayaa waxaa dadkii ku dhintey ka mid ahaa Cali Axmed Goodaad “Cali Madoobe” oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta madaxtooyada Hirshabelle.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay iskahorimaadka Ciise Nuur oo ka mid ah shaqaalaha barotakoolka madaxtooyada Hirshabelle.

Illaa hadda lama oga khasaaraha saxda ah ee ka dhashay dagaalka,hase ahaatee waxaa jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ee dagaalamay iyo weliba dadka rayidka ah.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada booliska Hirshabelle iyo macawisleyda ka howlgasha dhinaca galbeed ee magaalada Jowhar.

Leave a Reply

%d bloggers like this: