axmed dhuxulayste–madaxwaynaha jubaland oo gaarey magaaladda muqdishu si uu uga qayb galo shirka doorashada ee muqdishu.

Waxaa daqiiqado kahor garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si weyn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayay.

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya , Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha Jubbaland ee soo gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka wadatashiga ee looga hadlayo arimaha doorashada kaa oo la filayo in Muqdisho uga furmo Madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.https://3e1b110905c929098c79bef0f65caefb.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html

Shirka looga hadlayo arimaha doorashada oo la filayay in maanta ka furmo Muqdisho ayaa warar soo baxaya sheegayaan in uu dib u dhac ku yimid uuna furmi doono maalinta sabtida ah ee taariikhdu ku beegan tahay 22-ka May.

Leave a Reply

%d bloggers like this: