Aas balaaran oo Garawe loogu sameeyay Janaraal Cabdisamad Cali Shire (Sawirro)

Magaalada Garawe ee caasimada dowlad Goboleedka Puntland waxaa aas balaaran loogu sameeyay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore  Puntland  Janaraal Cabdisamad Cali Shire oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.Aaska waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Guddoonka Baarlamaanka Puntland, Goleyaasha Dowladda, Saraakiil, madax-dhaqameed, cullimo, siyaasiyiin.Madaxweyne Deni iyo dhammaan masuuliyiintii kasoo qayb-galay ayaa Alle SWC uga baryey Marxuumka Naxariistiisa Janno, waxa ay ku booriyeen ummadda Soomaaliyeed inay iska cafiyaan Marxuumka, una duceeyaan.

Leave a Reply

%d bloggers like this: