Golaha Senateka Maraykanka ayaa Itoobiya iyo Eritrea usoo jeediyay baaqa

Golaha Senateka Maraykanka ayaa Itoobiya iyo Eritrea usoo jeediyay baaqan—(1) Waa in degdeg loo joojiyo cadaawada gobolka Tigray kajirta.(2) Canbaarayn lagu qeexay erayadii ugu cuslaa dhamaan mushaakilaadka kadhanka ah shacabka ayaa loo jeediyay Itoobiya(3) Dawlada Eritrea waa inay si degdeg ah oo buuxda ugala baxdo ciidankeeda kusugan Itoobiya iyadoo canbaarayntii ugu cuslayd loo jeediyay tacadiyada kadhanka ah bini’aadamnimada ee dilka, bililiqada, kufsiga iyo danbiyada kale ee dagaal isugu jira ee ay ciidamada Eritrea iyo xoogaga kaleba kagaysteen gobolka tigray iyo gobolada kale ee Itoobiya.(4) Si xoogan waxay goluhu ucambaareeyeen xaalada siyaasadeed ee kasii daraysa ee dagaalka hubaysan isu rogtay taasoo udhaxaysa dawlada iyo TPLF.

(5) Waxay goluhu ku baaqeen in si dhakhso ah oo dhamaystiran dhamaan deegaanka Tigray iyo meelaha kale ee ay kago’anyihiinba loogu soo celiyo adeegyadii korontada, bangiyada, telefanka iyo khadka internetka.(6) Goluhu wuxuu bogaadinayaa sida wacan ee ay dawlada Suudaan usoo dhawaynayso qaxootiga kasoo qaxaya dagaalada kasocda deegaanka Tigray.

7) Goluhu wuxuu dawlada Itoobiya kacodsanayaa (A) Inay qaado talaabooyin lataaban karo oo ku aadan kor uqaadida marinada deeqaha iyadoo ilaalinaysa dadaalada kago’naanshiyaha leh ee ay wadaan hay’ada cunnada aduunka WFP ee Qaramada Midoobay iyo xogyaha arimaha dibada Maraykanka Antony Blinken;(😎 Goluhu wuxuu daba socon in ciddii ku lug leh danbiyada iyo tacadiyada kadhanka ah aadamaha lala xisaabtamo iyo(C) in horumar laga gaadho arimaha kale ee muhiimka ah ee ku taxaluqa dagaalka gobolka Tigray kasocda iyo saamaynta uu kuyeelanayo xasiloonida gobolka geeska iyadoo booqashadii Senator Coons laraacayo.(😎 Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dawlada Itoobiya—(A) inay xaqiijiso inaysan kuxadgudbin xubnaha maxaabiista TPLF iyo maxaabiista kale ee uxidhan waana inay uxurmaysaa sida lagu xeeriyay dastuurka Itoobiya iyo sharciga caalamiga.(😎 in looga baahan yahay inay si dhakhso ah oo buuxda dalkeeda uga saarto xoogaga Eritrea(C) inay sii dayso dhamaan hogaaminta ururada mucaaradka, taageerayaasha iyo activisteyaasha uxidhan dhaqdhaaqyadooda siyaasadeed iyo aragtidooda iyo waliba wariyeyaasha uxidhan tabinta shaqooyinkooda warbaahineed waana inay Itoobiya ilaaliso xuquuqda xoriyada hadalka ee shacabkeeda iyo kaqaybgalka siyaasada iyadoon utakooraynin jinsi, fikir, iyo siyaasad.(D) Waa inay qabataa nidaam wada hadal sharafeed ah oo loo dhan yahay dhamaan ururada aan dhibka wadin ee siyaasada, qowmiyadaha, kooxaha diimaha, iyo bulshada rayidka ah si loo gaadho xal waara loogana baxo isnacaybka islamarkaana loo dhiso nidaam dimoqraadiyad iyo nabadeed oo horay usocod leh.

(9) Goluhu wuxuu kacodsanayaa dhamaan kooxaha hubaysan ee dagaalada kujira—(A) inay cadaawada joojiyaan, xal siyaasadeedna uga gudbaan kala aragti duwanaanshahooda jira, si buuxda ugu doodaan sharciga bini’aadamnimada ee caalamiga ah kana tanaasulaan ficilada sii wadi kara colaadaha kadhanka ah shacabka.(😎 In horumar aan muran kujirin oo degdeg ah laga gaadho furida marinada deeqaha goobaha dagaaladu saameeyeen lana qaado talaabo mas’uuliyadeed oo lagu ilaalinayo amniga shacabka oo ay qaxootiga, barakacayaasha, iyo shaqaalaha gargaarkuba qayb kayihiin.(C) Inay ogolaato lana shaqayso baadhid madax banaan oo cadcadaan leh dhamaan tacadiyada qarsoon ee kadhacay gobolka Tigray iyo gobolada kale ee dalka sharcigana lahorkeeno ciddii kulug leh.

QODOBKII 10aad coming soon

Leave a Reply

%d bloggers like this: