Madaxweynaha Puntland oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw kasoo degay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiiro, Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayay.

Madaxweyne Deni ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka looga hadlayo arimaha doorashada Soomaaliya ee lagu wado in bari oo sabti ah ka furmo xerada Afisiyooni ee xeendaabka garoonka Aadan Cadde.about:blank

Muqdisho hada waxaa ku sugan Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo kuwa Dowlada federaalka, waxaana shirka looga hadlayo arimaha doorashada hogaaminaya Ra’isul Wasaare Rooble oo loo xil saaray socodsiinta howlaha doorashada iyo amaanka.

Leave a Reply

%d bloggers like this: