Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Oo Fuliyay Sadex Shuruudood Oo Falastiin Rabtay Iyo Xabad Joojin Lagu Dhawaaqay?

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Oo Fuliyay Sadex Shuruudood Oo Falastiin Rabtay Iyo Xabad Joojin Lagu Dhawaaqay?

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin ka dib 11 maalmood oo ay duqeyn hadh iyo habeen ah ku wadday Qaza, Falastiin.

Xamaasta Falastiin ayaa dhankooda iyana ku dhawaaqay.

Dowladda Masar ayaa sheegtey in ay dhexdhexaadineyso labada dhinac.

In ka badan 232 ruux oo ay ku jiraan 65 carruur ah ayaa ku geeryooday dhanka Falastiin halka Gantaallada Xamaasna ay dileen in ka badan 10  Yuhuud ah in kasta oo khasaaraha yuhuuda aan si cad loo ogayn

$322 milyan oo hanti ah iyo 184 fooq oo dhaadheer ayaa ku dumay Gaza
Xabad joojinta Israa’iil, ayaa imanaysa xili ra’iisul wasaaraha dalkaas oo dagaalka isagu doonayay inuu sii socdo uu ku dhawaaqay xabad joojinta

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, ayaa aqbalay sadex qodob oo shuruudo ah oo kooxaha Falastiin wateen kuwaas oo sabab u ahaa in dagaalku istaago. Shuruudaha waxa ka mid ah ahaa in ciidanka yuhuudu ka baxaan Masjidka Aqsa Iyo dacwada maxkamadda laga celiyo Xaafada Binu Jaraax ee Qaza

Qodobadan markii uu ra’iisul wasaaraha Israa’iil aqbalay wuxuu sheegay inay yihiin kuwo adag oo weligii aanu filayn wuxuuse sheegay in hadii Falastiin u dabaal degaan Guul ay weerar ku qaadayaan balse waxa cad in Falastiiniyiintu ka guulaysteen Israa’iil

Leave a Reply

%d bloggers like this: