Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Deni oo caawa kulmay (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn iyo is xog-wareysi ah caawa la yeeshay madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo galabta Muqdisho soo gaaray.

Kulanka dhax maray Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale uga wada hadleen shirka  Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka ee la filayo in Muqdisho ka furmo.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la wareegay howlaha socodsiinta doorashada iyo amaanka ayaa xalay sidoo kale la kulmay qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada oo iyagana soo gaaray Muqdisho.about:blank

Shirka Wadatashiga ee looga hadlayo arimaha doorashooyinka qaranka ayaa la filayaa in beri magaalada Muqdisho uga furmo Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Leave a Reply

%d bloggers like this: