(Sawirro) Rooble oo caawa la kulmay qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada

Ra’isul Wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta Somalia Mohamed Hussein Rooble ayaa kulan hordhac ah la qaatay caawa qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada oo saacadihii la soo dhaafay soo gaaray Muqdisho.

Madaxweynayaasha K/Galbeeed Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) Jubbaland Axmed Maxamed Islaan ,Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayuu caawa RW Rooble kula kulmay hotelka Decale ee ku yaalla garoonka dayuuradaha Muqdisho.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta Somalia Mohamed Hussein Rooble ayaa lagu sheegay in kulanka caawa uu ahaa casho iyo iswareysi.https://610b6dab56ea0bd17f838319325446da.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.htmlAd by Valueimpression

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Macallimoow ayaa sheegay in kulanka uu hordhac ah u yahay furitaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee doorahsooyinka dalka oo guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Sida qorshuhu ahaa maanta waxaan rajeynaynay in uu furmo Shirkii Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka balse cillado dhanka farsamada ah oo qabsaday imaanshaha Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Puntland ayaa dib u dhaca keenay, sidaas darted Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu kalan casho Sharaf ah ku maamuusay Madaxda Dowlad-goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo soo gaaray Caasimadda.”

Madaxdan ayaa la filayaa iney ka qeyb galaan shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka oo la filayo in lagu qabto Muqdisho Sabtida kaasoo uu horey ugu baaqay RW Rooble.

Madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Hirshabelle oo ka maqnaa kulanka caawa ayaa lagu wadaa iney beri soo gaaraan magaalada Muqdisho, waxaana maanta Muqdisho yimid wafdi hordhac ah oo ka socda Puntland.

Leave a Reply

%d bloggers like this: