Markaan arkey sawirkaan Harimcadka, xasuus baan galay, Harimcadkaasi waxa uu si dhuumaaleysi ah habeen kasta ugu yimaaddaa saca halkaa fadhiya, Harimacd iyo Lo’o heshiis ah wa wax yaab le

Markaan arkey sawirkaan Harimcadka, xasuus baan galay, Harimcadkaasi waxa uu si dhuumaaleysi ah habeen kasta ugu yimaaddaa saca halkaa fadhiya, Harimacd iyo Lo’o heshiis ah wa wax yaab leh, balse sirtu waxa ay tahay Harimcadku kolkii uu yaraa ayey geeriyootay hooyadiis, deedna saca ayuu nuugi jirey, xasuus iyo weyneyn naxariis lagu laray ayuu habeen kasta u soo booqdaa saca.Bal eeg aadanaha ma galo abaalkaas oo kale, qof waalidkiis looga taag la’ayahay baad arkeysaa inta kale na warkeed daa,

Maanso aan kol hore sameeyey ayaan soo xasuustay ee “Adduunyadu waa duruus” Waxaa ku jirtay laba tuduc oo dhacdadaan xiriir laleh:-Dugaagga mar baad tiraaKolley dadka qaar ka roon” Waana sababta aan xayawaanku aaney u dhibaateyn cid kasta oo ixsaan u sameysay.40. Dugaagaa mar baad tiraa41. Kolley dadka qaar ka roon42.

Dareemaha ruux ka guran43. Anaa dawarsaday dharaar44. Waraabe anaa dugsaday45. Anoon danqashaba ka helin46. Misana daacad baan ahaa.47. Dabuubtaadoon maqlaa48. Hadaa doon dooni jiray49. Maantaba ima diiriside50.

Gayaankaan daalacdaa.51. Wallee dakanuu galaa52. Qofkii sir maqabe dulmaa53. Nabsigu waa daba ordaa54. Intuu daqar geystay buu55. Kolkiisa ka diif dhabaa,56. Mid baan ku dardaarayaa57. Aadmigu waa dacadiyaa58. Wuxuu dafiraa abaal59. Dulmiga waa lagu yaqaan60. Waxaad se ku diirsataa61. Allaa la durraansadaa62.

Xaggiisaa loo durkaa63. Digriga waa la cuskadaa64. Quraankuna waa dawee65. Diin iyo dabcigaba ka dhigo.

Leave a Reply

%d bloggers like this: