Muxuu Ra’isul Wasaare Rooble ka yiri Maalintii koowaad ee shirka wadatashiga?

Ra’iisul Wasaaraha Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay shirka Qaran ee wadatashiga doorashada oo maanta ka furmay Muqdisho.

Shirkan waa markii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabanayo, ka dib markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu howlaha doorashada ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa ku sugan Muqdisho iyadoo maalintii koowaad lasoo gabagabeeyay shirka, waxaana shirka laisku soo laaban doonaa berri oo Axad ah.about:blank

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo shir gudoominayay kulanka maanta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wadahadallada ay guuleystaan.

“Waxaa maanta si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka.” ayuu yiri Rooble.

Shirka ayaa lagu wadaa inuu beri guda galo ajendeyaal muhiim ah oo ka mid ahaa qodobadi muranku ka taagnaa sida arrinta gobolka Gedo, guddiyada doorashada, amniga iwm.

Leave a Reply

%d bloggers like this: