Warqad uu qoray Albert Einstein oo ka kooban isleegyada xisaabeed ee ugu caansan, E = mc2, ayaa lagu iibiyay xaraash gaadhaya in kabadan $ 1.2m (£ 850,000) – seddex laab ka badan intii la filayay, dalka Maraykanka.

Physicist Albert Einstein
Qoraalka sawirka,Einstein, xilligii ugu horreeyey ee nooc isleegtan la baahiyey ayaa ahayd 1905

Warqad uu qoray Albert Einstein oo ka kooban isleegyada xisaabeed ee ugu caansan, E = mc2, ayaa lagu iibiyay xaraash gaadhaya in kabadan $ 1.2m (£ 850,000) – seddex laab ka badan intii la filayay, dalka Maraykanka.

Khubaradu waxay yiraadheen waxaa jira seddex tusaale oo kale oo caan ah oo ku saabsan isla’egta gacanta lagu qoray ee cilmiga fiisigiska.

Xisaabta ‘Isleeg’ waxaa markii ugu horreysay lagu daabacay warqad cilmiyeeddii Einstein sanadkii 1905.

Waxay sharraxaysaa is-weydaarsiga tamarta iyo cufnaanta marka jidhku ku dhaqaaqo xawaaraha iftiinka.XAYEYSIINhttps://ab67f1640ffe90aa0849b1bac9db704f.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html

Isleeg – tamarta ayaa la mid ah cufka oo lagu dhuftay xawaaraha iftiinka oo laba jibaaran – waa fikrad aasaasi ah oo fiisigiska casriga ah.

Tani waxay ahayd tusaalaha kaliya ee isla’egta aruurinta gaarka loo leeyahay oo waxay noqotay mid dhowaan soo shaac baxday, ayuu yiri RR Auction oo fadhigiisu yahay Boston, oo iibiyay warqadda.

“[Waa] warqad muhiim ah oo ka socota labadaba taariikh ahaan iyo fiisigis ahaanba,” ayuu RR Auction ku yiri hadal uu soo saaray, iyaga oo ugu yeedhay “isle’egii ugu caansanayd ee abid la soo saaray”.

Warqaddan oo hal bog wax kaga qoran yihiin kaas oo af Jarmal ah waxay ku taariikhaysan tahay 26 Oktoobar 1946 waxayna ku socotaa fiisikiska Booliska-Maraykanka ah ahaa Ludwik Silberstein, oo xujeeyay qaar ka mid ah aragtiyaha Einstein.Ka bood Facebook boggan, 1

Macluumaadkan lama heli karoFaahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.

Dhammaadka Facebook boggan, 1

1px transparent line

Warqadda ayaa qeyb ka ahayd keydka gaarka ah ee Silberstein, oo ay iibinayeen faraciisa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Associated Press. Waxay soo warisay in iibsadaha loo aqoonsaday kaliya inuu yahay aruuriye dukumiinti oo aan la aqoon

Leave a Reply

%d bloggers like this: