Dowlad xeelad yaab leh u adeegsatay qabashada weriye Mucaarad ku ahaa (Sawirro)

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa si adag u cambaareeyay fal ay dowladda Belarus Axaddi shalay aheyd si khasab ah diyaarad rakaab aheyd oo ka baxday dalka Greece kuna socota waddanka Lithuania uga dejisay magaalada Minisk ee dalkaas.

Mareykanka ayaa wax laga naxo ku tilmaamay ficilkaas.

Diyaaradda Ryanair ee dalka Ireland ayaa rakaabka saarnaa waxaa ku jiray wariye ka mid ah saxafiyiinta dibad-joogga ee u dhashay Belarus, kaasoo si aad ah u dhaliila hoggaamiyaha dalkaas, waxaana ujeedada diyaaradda sida khasabka ah looga dajiyay caasimada Minisk ay aheyd in laga dago, lana xiro wariyahan.about:blank

Diyaarad millatari ayaa ku khasabtay in duulimaadka diyaaradda rakaabka aheyd si deg deg ah looga dajiyo Jamhuuriyadda Belarus.

Wariye Roman Protasevich ayaa madaxa gacmaha saartay markii uu ogaaday in diyaaradda ay ku socoto dalka uu kasoo jeedo oo uu baxsad ka ahaa, sababo la xiriira ammaankiisa.

Midowga Yurub ayaa ficilkaas ku tilmaamay afduub lagula kacay diyaarad rakaab ah. Dowladda Lithuania ayaa iyaduna sheegtay in ay furtay kiis argagixiso oo ka dhan ah dowladda Belarus.

Leave a Reply

%d bloggers like this: