Qaar ka mid ah Taliyaasha Saldhigyada Booliska Muqdisho oo la kala bedelay

Taliyaasha saldhigyada gobolka Banaadir ee isbedelka lagu sameeyay ayaa waxaa kamid ah Farxaan Maxamed oo laga dhigey taliyaha Boondheere waxaana lagu badalay Kabtan ismaacil Sacid.

Yaxye Maxamed Ibrahim oo Loo yaqaano (Yaxye Casuuro) ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Boliiska Degmada Dayniile.

Gaashaanle Macalin Aadan ayaa Loo Magacaabay Taliyaha Boliiska Degmada Dharkenley ee Gobalka Banaadir, waxaana Laga qaaday Saldhiga Degmada C/casiis. Axmed Bootaan waxaa loo magacaabay Saldhiga Wadajir,Ismaaciil Siciid Jaamac waxaa laga dhigey Saldhiga Waaberi, Xasan Cabdulle Bashiir Saldhiga C/casiis.Zakeriye Cabdullahi waxaa loo magacaabay Saldhiga Hodan, Abuukar Sheekh Aadan laga dhigey Taliye Ku xigeenka Kaxda. sidoo kale Cumar Axmed ayaa noqday Taliye Ku xigeenka degmada Boondheere.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa markale isbadal ku sameeyay qaar ka mid ah taliska booliska degmooyinka gobolka Banaadir.

SIdoo kale Taliye Xijaar ayaa u magacaabay taliye ku xigeenka qaybta guud ee gobolka Banaadir Gaashaanle sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle, kadib markii uu dhowaan geeriyooday taliye ku xigeenkii hore Kornel Waaweyne.

Leave a Reply

%d bloggers like this: