DF oo Golaha amaanka ee QM ku wargelisay in heshiis laga gaaray khilaafkii doorashada


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeeshay xaalada Soomaaliya, waxaana qodobbada ay ka hadleen ka mid ah doorashooyinka iyo arrimaha bani’aadam-nimada.

Waxaa warbixinno kooban siiyey Golaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira.

Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khudbad uu u jeediyay fadhigii gaarka ahaa ee Golaha Ammaanka ka sheegay in Heshiis laga gaaray arrimihii la isku hayay ee Doorashada.about:blank

Wasiirku wuxuu caddeeyay in mabda’ ahaan ay dhinacyada ka heshiiyeen saddexdii qodob ee uu muranka ka taagnaa, isla markaana War murtiyeedka heshiiska Doorashadana la soo saari doono Khamiista 27-ka bishan May2021.

Heshiiska sida hordhaca ah loo sheegay in lagu gaaray shirkii Muqdisho ee arrimaha Doorashada ayey xukuumaddu la wadaagtay beesha Caalamka iyadoo aan weli shacabka Soomaalida loo sheegin heshiiska.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tan iyo Sabtidii ku shirsanaa xerada Afisiyoone.

Leave a Reply

%d bloggers like this: