Guddigii lagu muransana ee doorashada oo War ka soo saaray heshiiska lagu saxiixay Muqdisho

WAR MURTIYEED

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinku wuxuu soo dhoweynayaa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka ay ka gaareen hannaanka doorashooyinka dalka, heshiiskaas oo uu shir guddoominayey Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayna ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi, Madaxweynaha Jubaland Axmed Sh Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasis Xasan Maxed (Laftagaren), Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor),Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxuud Maxed Filish.about:blankAd by Valueimpression

Heshiiskan ayaa kusoo aaday xilli muhiim ah oo baahi weyn loo qabo in dalka doorasho ka dhacdo.

Guddigu wuxuu u mahad celinayaa Golaha wadatashiga Qaran, bulshada Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay xallinta iyo dhammeystirka caqabadaha kasoo noqday heshiiskii 17 sebteembar 2020.

Ugu danbeyntii, Guddigu wuxuu ka codsanayaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeedba in ay ka wada shaqeeyaan sidii heshiiskani u guulaysan lahaa, si wadanka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana lagu wada qanac san yahay.

Gudigu wuxuu horeba dadaal xoogan ugu bixiyay diyaarinta dhammaan habraacyadii iyo xeerarkii hagi lahaa hannaanka doorashada 2021.

Leave a Reply

%d bloggers like this: