Madaxda Dowlad Goboleedyada oo maanta tegey xeebta Liido

Madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay shir ugaga socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa xeebta Liido ay kula qadeeyen Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa qado sharaf mahadcelin ah u sameeyay.

 

Qado sharafta uu Ra’isul Wasaare Rooble u sameeyay Madaxda dowlad goboleedyada iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka dhacday Hotel weyn oo kuyaala xeebta Liido ee degmada Cabdi Casiis.

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad goboleedyada ayaana qadada kadib daawasho u tagay xeebta Liido oo xiligaas ay joogeen boqolaal dadweyne ah, waxa ayna madaxda gacamaha u haatiyeen shacabka damaashaadka u tagay Xeebta Liido

Leave a Reply

%d bloggers like this: