Madaxweyne Lafta Gareen iyo Shariif Xasan oo Caawa kulan yeeshay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hoyga uu ka degenyahay Muqdisho caawa ku Qaabilay Gudoomiyihii hore Baarlamaanka, Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed  Shariif Xasan Shekh Aadan.
 
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u sharaxan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caawa booqasho ugu tagay Madaxweynihii ka bedelay maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo la sheegay in mudooyinkii dambe uusan wanaagsaneyn xiriirkooda.
 
Kulanka caawa yeesheen Madaxweyne Lafta Gareen iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayey uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo tan Koonfur Galbeed iyo sidoo kale doorashooyinka la filayo in dalka ka dhacaan.
 
Siyaasiga Shariif Xasan oo damac badan uga jiro in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday Madaxweyne Laftagareen in uu ku taageero musharaxnimadiisa sidoo kale kala shaqeeyo sidii siyaasi Koonfur Galbeed dalka Madaxweyne uga noqon lahaa.
 

Leave a Reply

%d bloggers like this: