Kumanaan arday oo u fariisatay Imtixaanka Qalinjebinta Dugsiga Sare

In ka badan 40-kun oo arday oo isugu jirta gabdho iyo wiilaal ayaa maanta u fariisatay Imtixaan sanadeedka fasalka 12-aad ee Dugsiga sare 2020/21.

Ardayda saaka u fariisaneysa imtixaankan ayaa ku kala sugan gobolka Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug.Arday - Wikipedia

Imtixaanka ayaa socon doona muddo shan maalmood ah Ciidammo badan oo booliis ah ayaa la geeyay goobaha imtixaanka lagu qaadayo kuwaas oo aad u adkeeyey amaanka si gaar ah wadooyinka soo galayo goobaha Muqdisho saakay imtixaanka ardayda ku galayso

Wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka ayaa sheegtay in tallaabooyin dheeraad ah la qaaday imtixaankuna yahay mid lagu kalsoonaan karo

Waa sanad dugsiyeedkii 7-aad oo si rasmi ah ay imtixaanka u qaadeyso wasaaradda waxbrashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukumadda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in ardayda wax ku barata deegaanada Puntland ay 7sano ka qeyb gelin imtixaanka ay qaadeysay dowladda dhexe.

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Soomaaliya ayaa Ardayda ku wargelisay in ay raacaan habraaca ay u qorsheysay in ay maraan si Ardaygu aanay buuq ula kulmin maalmaha Imtixaanka.

Todobaadkii tagay waxaa soo idlaaday Imtixaan sanadkeedka fasalka 8-aad Dugsiga Dhexe oo ay galeen in ka badan 26-kun oo Arday, sanadkaan waxaa mas’uuliyadda dusha saartay maamulka Gobolka Banaadir.

Leave a Reply

%d bloggers like this: