Qoorqoor oo cafis u fidiyey Sarkaal Ahlu-sunna kala soo goostay qori dhashiike ah

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa cafis u fidiyay Dhamme Nuurdeeq Ali Abdi faarax oo ka tirsan Saraakiisha Nabadsugida Soomaaliya balse Ahlusunna u goostay, haatana mar kale dib ugu soo laabtay Galmudug.

Nuurdeeq ayaa xalay kala soo goostay Kooxda Ahlusunnada hubeysan ee uu ka tirsanaa qori dhashiike ah, waxaana Madaxwayne QoorQoor sarkaalkan uu ku amaaney go’aanka uu qaatey.

Qoorqoor ayaa amray  in sarkaalkan loo fasaxo mushaharkiisa. Madaxweyne Qoorqoor ayaa u balan qaaday in qof kasta oo Ahlusunna kala soo goosta hub loo fidinayo cafis.

Leave a Reply

%d bloggers like this: