Sheikh somali ah oo lagu dilay maraykanka

Waxaa lala’aa sheikh maxamed hassan adan ilaa maalintii arbacadda ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 12-22-2021. Sheikhu waxa uu imam ka ahaa masjid abuu hurreira oo ku yaala magaaladda comlumpas oo ku taala gobalka somaalidu ku badantahay ee  ohio dalka Mareykanka.

sida ay sheegeen qoyska iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed sheikha ayaan gurigiisa ku soo laaban kadib markuu aaday masaajidka si uu salaadda subax usoo tukado.

Baaritaano socday ku dhawaad mudo ​​48-saacadood ah oo bulshada oo dhami ka qayb qaadatay laguna baadi goobayay Sheekh Maxamed  ayaa sahlay in gaarigiisii laga helo  isgoyska Joyce, wadada 17-aad  dhanka Waqooyi ee magaalada Columbus Ohio.

Baabuurka dhexdiisa ayaa laga helay meydka Sheekh Maxamed Xasan oo ay  jirkiisa ku yaalaan dhowr xabadood.

Waxaa sidaas lagu wargeliyey Booliska Columbus oo markii dambe goobta soo gaaray.

Sheekh Maxamed Xasan Aadam ayaa la waayay Arbacadii 7-dii fiidnimo xilliga Soomaaliya, waxaana markii ugu dambeysay lagu arkay Masjidka Al Hureyra. Ohio waa gobalka labaad ee ay ku noolyihiin somalidda ugu badan ee dalka maraykanka marka laga reebo Minneapolis.

Imaam Sheekh Maxamed Xasan wuxuu ahaa ganacsade caan ka ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus, OH. Geeridiisu waxay noqon doontaa mid naxdin u leh qoyskiisa iyo Jaaliyadda Muslimiinta Columbus.

Leave a Reply

%d bloggers like this: