5 Siyaabood oo aad si fudud cayilka isaga yarayn karto

Qodobka 1 aad

Ha ka boodin quraacda, waa in aad maalin walba quraacataa hadaad heli karto adigoo cunaya ugu yaraan10 garaam oo borotiin ah. Cunista quraac dheellitiran maalin walba – oo uu ku jiro  borotiin qiyaasan – waxay ku siin doontaa tamarta aad u baahan tahay.”Haddii aad ka boodo quraacda, waxaad maalinta ku bilaabaysaa sida adiga oo ku shaqaynaya batari dhintay ama charger lahayn,” ayay tiri Ms. Kirkpatrick oo ah qabiir ku taqasustay cilmiga nafaqada jirku u baahanyahay.

“Daraasadyadu waxay muujinayaan in qaadashada  borotiinka  sare subaxdii ay sidoo kale lagama maarmaan u tahay adkaysiga jirkaaga iyo in aad quraacda kadib cuntada aad ka maarmi karayso.”

Cunooyinka ugu wanaagsan ee borotiin caafimaad qaba laga heli karo waxaa ka mid ah ukunta, budada borotiinka ee dhirta ka samaysan, rootiga la mariyey subagga lawska ee dabiiciga ah, iyo caano fadhi aan la macaanayn oo aan sonkor lagu darin.

ka boodista quraacda waxa ay  jidhkaaga ka dhigi kartaa inuu u maleeyo inay ku jirto xaalad gaajo taasina waxa ay kugu riixi doontaa in aad cunto badan cunto sidaasna cayil ayaa kugu fuuli doona laakiin cunto yar oo isku dheeli tiran hadaad cunto maalin walba xili cayiman abateetkaagu ama cunta rabitaankaaga faraha badani waa yaraan doonaa.  Tusaale, qolooyinka musaaricadda cayaaraahi ma quraacdaan kadib cunto farabadan ayey cunaan maalinta xiliga dambe. Sidaas ayeyna ku wadaan cutada maalinta inta ka hadhay oo dhan si baruurbadani u korto.

 

lasocoto qodobada xigga

Leave a Reply

%d bloggers like this: